Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Toogashadii Kiniisadda Ma fal argagixiso ayuu ahaa

Qoysaska ay ka tirsanayeen sagaal qof oo Ameerikaanka madow ah oo uu nin caddaan ah ku toogtay kaniisad ku taalla gobalka South Caroline ayaa oohin la dhacay markii ninkani uu maxkmadda ka soo muuqday markii u horaysay.

Xubnaha qoysaska oo maxkmada ka hadlay ayaa sheegay in ay cafiyeen Dylan Roof oo 21 jir ah.

Dhinaca kale, toogashadani oo ay baliisku ku tilmaameen dambi nacayb ku salaysan ayaa dood ka dhalisay gudaha dalka Maraykanka iyada oo dawlada maraykanka loogu baaqay in ay falkani ku tilmaamto mid argagaxiso.

Rage Xasan ayaa warabixintani inooga diyaariyay dooda ka dhalatay eraybixinta toogashadan