Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dooda baarlamaanka Soomaaliya ee darbiga xadka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka dooday mooshin ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ka soo gudbiyeen derbi la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa darbigaasi ku tilmaamay mid ay kenya kaligeed go'aansatay iyada oo aan lagala tashanin dowladda Soomaaliya.

Darbigaasi waxay Kenya uga gol leedahay in ay uga gaashaamato halista uga imaanaysa Al-shabaab.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka ayaa Xasan Cali Geelle uga waramay ujeeda mooshinkaasi.