Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadahalada Dawladda Federaalka iyo Juabaland

Magaalada Kismaayo waxaa kulan ku qaatay wafdi uu hogaaminayo Rai'sal wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Masuuliyiinta Jubaland.

Wadahadaladan waxay ku soo aadayaan iyadoo uu jiro Khilaaf dhexmaray labada dhinac oo ka dhashay Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo sharcidarro ku tilmaamay baarlamaanka Jubaland ee dhawaan la soo xulay.

Waxay isku afgarteen in xaaladaasi loo saaro gudi labada dhinac ah.

Cabdinaasir Seeraar Maax oo ah afhayeenka Maamulka Jubaland ayaa Raage Xasan uga waramay wadahadalkaasi.