Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya: ardayda ayaan baraynaa sida laisu difaco

Wasiirka waxbarashada dalka Kenya ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan manhaj cusub oo dugsiyada hoose ilaa iyo waxbarashada heerka sare ah, kaas oo ardayda lagu bari doono in ay isdifaacaan.

Arrintani waxa ay dabo socotaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday bishii afraad ee sanadkan, halkaas oo lagu dilay dad ku dhaw boqol iyo konton ruux kuwaas oo arday u badanaa.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in iskuulada laga dhiso doono darbiyo si ammaanka sare loogu qaado,

Halkan ka dhagayso warbixintaas oo uu inoo diyaariyay weriyaha BBC-da Raage Xasan.