Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi ku saabsan 26ka June iyo Somaliland

Maanta waxay ku beegantahay sanad-guuradii 55aad ee maalintii xorriyadooda ay ka qaateen istacmaarkii ingiriiska gobollaadii Britishka gumeysan jiray ee Somaliland.

26 june 1960, Waa maalintii ugu horeysay ee Magaalada Hargeysa laga taagay calan Soomaaliyeed.

Haddaba Cismaan Axmed Xasan waxaa uu ahaa barasaabkii ugu horeeyay ee 26june 1960 ay xukuumadii afarta wasiir ka koobneyd ee somaliland ee uu madaxda ka ahaa Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal u magacowday hargeysa.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay sida xorriyadii ay ugala wareegeen isticmaarkii, iyo wixii uu goob jooga u ahaa maalintaasi 55 sano ka hor?....