Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidamo ka gadooday puntalnd

Taliye ku xigeenka booliska ee Puntland iyo tiro ciidamo ah ayaa dibadda uga baxay magaalada Garoowe, kuwaas oo sheegay inay ka gadoodeen wax ay ugu yeereen xuquuq la'aan.

Muxudiin Axmed Muuse oo ciidamadan kala imaaday Galgala ayaa sheeganayo in askartaasi aysan mushaar qaadanin.

Arrintan ayaa muddo bilo ah ka soo jiitameysay maamulka Puntland. Waxaana jiray dad isku deyay inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac.

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Muxudiin Axmed Muse ayaa BBC-da uga warramay sababta ay u gadoodeen.

Waxaan isku deynay inaan la xiriirno dhanka maamulka iyo wasiirka amniga gudaha, laakiin noomeysan suuragalin inaan helno.

Welina waan iskudeyeynaa inaan helno dhinaca kale, waxaadka ku maqli doontaan idaacadaha dambe.