Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Min xero qaxooti ilaa jaamacadda Harvard

Bal ka warran wiil Soomaaliyeed oo ku dhashay xeryaha qaxootiga ee Kenya, haddana boos waxbarasho ka helay oo bilaabaya bisha August ee soo socota jaamacadda adduunka ugu sareysa ee Harvard University ee dalka Mareykanka.

Fataax Cabdi Xuseen waa 18 jir ku dhashay xerada qaxootiga ee Xagar Dheer, waxaa hadda uu ku nool yahay magaalada Boston ee dalka Mareykanka, halkaasi oo uu sanadkan ka bilaabayo barashada cilmiga Computer Science-ka.

Haddaba sidee ugu suurtagashay? Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa la hadlay Fataax iyo waalidkiis, warbixintan ayuuna nooga diyaariyay oo ku bilaabanaysa codka Fataax hooyadii.