Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga filan karaa in ay ka soo baxaan wadahadallada Nuclear-ka Iiraan?

Maanta waxaa ku eg wakhtiga kama dambaysta ah ee Iiraan iyo waddamada lixda ah ee wadaxaajoodka kula jira ay heshiis kaga gaari lahaayeen barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hore waxaa u jiray in muddo 10 sano ka badan ay dhinacyadu marna kala boodayeen marna wadahadallada wadayeen.

Cadaadiska iyo shuruudaha heshiis lagu gaari karo ayaa ah iyagana kuwo aan la isla meel dhigin.

Haddaba mar haddii wakhtigii heshiis lagu gaari lahaa uu gabaabsi yahay, maxaa laga filan karaa in ay wadahadallada ka soo baxaan?

Dr. Sacad Sheekh Cusmaan waa khabiir ka faallooda arrimaha Carabta iyo Faarsiyiinta, wuxuuna ka hadlayaa fursadda heshiis lagu gaari karo inta ay le'eg tahay.

Waxa uu khadka taleefanka ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.