Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sargaal ONLF ka tirtsan oo dhaliilay ururka

Saraakiil ururka ONLF ka tirsan oo in mudo ah ku xirnaa Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ayaa la soo daayay.

Raggan oo hadda Nairobi ku sugan ayaa waxay dhaliil u jeedinayaan madaxda iyo hogaanka ururka ONLF ee mucaaradka ku ah dalka Itoobiya, waxayna BBC u sheegeen in ay doonayaan in ururka ONLF isabadal lagu sameeyo.

Khaalid Cumar Axmed oo ka tirsan saraakiisha ONLF, kana soo shaqeeyey xafiiska ONLF ee magaalada Asmara ayaa Cabdirisaq Xaaji Catoosh u waramay.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan ka dhagayso.