Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gaarigii u horeeyay oo lagu sameeyay dalka Ghana

Marka laga hadlayo in gaari lagu naqshadeeyo ama lagu sameeyo waddamada Afrika, ma aha arrin ay ka galaan halka ugu sarraysa gaari samaynta.

Xaqiiqiyan, badankeen waxaa nagu adkaanayso in xitaa aan magacawno hal gaari oo qaaradan lagu sameeyey.

Hasayeeshee arrintaas hadda waxay u muuqataa mid isbeddelaysa, iyadoo gawaarida la yiraahdo Kantanka ee lagu farsameeyo Ghana, lagu wado in ay dhawaan suuqa soo galaan.

Haddaba, marka ay timaado qiimaha gaarigan oo ah nooca SUV ayaa u muuqda mid tartan geli doona, laakiin waxaa ku adkaanaysa inay suuqa kula tartamaan baabuurta caan baxday sida Toyota, Land Rover iyo BMW.

Sammy Darko ayaa warbixintan inoo soo diray waxaana soo jeedinaya Catoosh.