Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha Galmudug oo BBC u warramay

Cabdikariim Xuseen Guleed ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka Galmudug, kaddib markii uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada maamulkaasi oo maanta ka dhacday magaalada Cadaado.

Cabdikariim ayaa helay 49 cod sidaasna ku noqday madaxweynaha maamulka cusub ee Galmudug.

Haddaba madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa u warramay weriyaha BBC Axmed Cabdinur, oo ugu horreyn weydiiyay qorshaha uu doorashada ku galay.