Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland: Ma aqoonsanin madaxweynaha Galmudug

Dhawaan waxaa magaalada Cadaado lagu doortay madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, oo durbaba mucaaradad xoog leh kala kulmay maamulka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboledka Puntland, Maxamuud Xasan Soocade, oo BBC u waramay ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn madaxweynaha cusub ee Galmudug, wax wadahadl ahna aysan la galaynin inta maamulkaasi uu sheeganayo dhul Puntland ka mid ah, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Wasiir Soocade ayaa u warramay weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.