Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wajeer oo 2 milyan oo dollar u qoondeysay ammaanka

Dawlad deegaanka Wajeer ayaa sugida ammaanka u quundeysay 2 milyan oo dollar oo ka mid ah miisaniyadeeda.

Waa deegaanka keliye ee Kenya oo dhan lacag intaa la eg u qoondeeyay sugida ammaanka, oo ah mas'uuliyad u taalla dawladda dhexe.

Wajeer ayaa waxa ka dhacay dhowr weerarro iyo dilaal qorshaysan oo lagu eedeeyay ururka Al-Shabaab.

Saalax Aadan Cabdi waa madaxa maaliyada dawlad deegaanka Wajeer, weriyaha BBC Bashkas Jugsoodhacay ayuu u warramay.