Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaalada siyaasada ee dalka Uganda

Maamulaasha Uganda ayaa sii daayey laba hogaamiye oo ka tirsan mucaaradka oo doonaya inay u tartamaan madaxweynenimada. Ra'iisul wasaarihii hore Amama Mbabazi iyo Kizza Besigye ayaa siyaabo gooni gooni ah loogu xira shalay magaalada Kampala, ayadoo lagu eedeeyey inay kulammo abaaulayeen, ayagoo aan ruqsad ka hayn booliska. Dr. Ibrahim Farah Bursaliid waa khabiir ka faallooda arrimaha Afrika, ciise X. Cabdulle ayuu uga warramay mashaakilka siyaasadeed ee ka taagan Uganda oo muddo dheer uu xukunkeeda gacan adag ku hayey madaxweyne Yoweri Museveni.