Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muranka hawada ee Somaliya iyo Somaliland

Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in aysan daacad ka ahayn fulinta heshiiskii maamulista hawada ee sandkii la so dhaafay lagu saxiixay dalka Turkiga.

Wufuud labada dhinac ka socota iyo hay'adda caalamiga ah ee duulista hawada ayaa shalay shir ku lahaa Nairobi.

Balse wufuudii Somaliland ayaa isaga baxay shirka kaddib markii ay sheegeen in shirkaasi lagu soo bandhigay qabya qoraal aan waafaqsanayn heshiiskii Turkiga.

Cumar Cabdullahi Aaden waa agaasimaha wasaarada duulista iyo hawada ee Somaliland, waxa uuna hogaaminayay waftiga Somaliland.

Rage Xasan ayuu uga waramay waxa ay dhaliileen.