Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sidee Hargaysa ciidda looga diyaar garoobayaa

Iyada oo ay gabogabo ku dhowdahay bishii barakaysnayd ee ramadaan, dhawr maalmoodna inaga xigaan ciidda soonfureed, ayaa suuqyada ganacsiga ee magaalada Hargeysa waxaa aad looga dareemayaa maalin iyo habeenba dhaqdhaqaaq xoog leh oo loogu diyaar garoobayo farxadda ciidda. Gaar ahaan caruurta ayaa loo iibinayaa dharkii ciidda iyo qalabka lagu ciyaaro, waxaa kale oo dumarku qurxinayaan guryaha.

Weriyaha BBC ee hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay suuqa weyn ee badhtamaha Hargeysa , kadibna warbixintan ayuu nooga soo diray