Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo ku gacan sayrtay dawladda dhexe

Baarlamaanka Puntland ayaa ku gacan sayray heshiisyo ay xukuumadda maamul goboleedkaas hore ula gashay dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Diidmada ayey ku macneeyeen in aan lagala tashan.

Waxaa kale oo ay diideen 3 guddi oo dastuuri ah in ay ka hawlgalaan deegaannada Puntland.

Arrintan ayaa timid iyada oo Puntland ay si is dabajoog ah ugu eedeynaysay xukuumadda Federaalka samaynta maamulka Galmudug.

Siciid Xasan Shire oo ah guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland, ayaa sababta ku dhalisay in ay xilligan go'aannadaas qaataan uga warramay wariyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.