Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guurka bilaha Shacbaan iyo Ramadaan

Sanooyinkii u dambeeyey waxaa deegaanno badan oo soomaalidu degto ku soo badanayey in bilaha shacbaan iyo Ramadan uu guurku bato, Meelahaas waxaa ka mid ah xaafadda soomaalidu degto ee islii ee magaalada Nairobi.

Fardowsa Maxamed cilmi ayaa dhowaan islii booqatay oo la kulantay dad Ramadanka is guursaday oo ka sheekeynaya sababta ay guurkooda wakhtigan ugu beegeen, warbixintan ayeyna nooga diyaarisay.