Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Qaramada Midoobay ee Itoobiya ka socda

Berri waxaa lagu wadaa in magaalada Addiss Ababa lagu gabagabeeyo shirweyne ku saabsan maalgalinta masharaaciicda horumarineed oo ay isugu yimaadeen hogaamiyayaasha qaaradda Afrika, madax ka socota deeqbixiyeyaasha iyo hay'ado.

Shirka waxaa soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay, Soomaaliyana waxaa uga qayb galaya madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo.

Daa'uud Aweys oo ah afhayeenka madaxweynaha ayaa arrimaha shirka looga hadlayo iyo kaalinta Soomaaliya uga warramay wariyaha BBC Xasan Cabdullaahi Haybe.