Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Axmed Kadiye wuxuu kaftan siyaasadeed ku sameeyaa Facebook

Axmed Cabdullaahi Axmed (Axmed Kadiye) wuxuu ka mid yahay dhalinyarada Soomaalida ee qurbaha ku nool ee aadka u isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook.

Laakiin Axmed waxa uu Facebook u isticmaalaa si inta badan ka duwan qaabka dhalinyarada Soomaaliyeed u isticmaalaan. Waxa uu sameeyaa sheekooyin siyaasadda Soomaaliya la xiriira laakiin qaab kaftan iyo xiiso leh uu u soo bandhigo.

Bogga uu ku leeyahay Facebook waxaa ku xiran in ka badan sideetan kun oo qof.

Haddaba, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa telefonka ku wareystay Axmed Kadiye oo deggan dalka Jarmalka, wuxuuna weydiiyay inuu sharraxo boggiisa.