Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi ku saabsan Bulshada Soomaalida ee Mombasa

Magaalada mombasa ayaa ganacsigeeda uu sii xoogeysanaayaa, waxaana halkaasi ku taalla dekadda ay soo maraan alaabta bariga iyo bartamaha Afrika loo iibgeeyo.

Laakiin magaaladaasi waxaa saameeyay dhacdooyiin amni xumo. Inkastoo dhowaanahan ay soo hagaagtay.

Arrimahaasi waxay sababeen in Soomaalida ay dhistaan urur bulsho oo ay ku mideysan yihiin, oo dhanka siyaasadda iyo dhinaca tabarucaadda ka shaqeeya.

Sheekh Cabdiwahaab Isxaaq Ibraahim, wuxuu ka mid yahay hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee Mombasa. Waxa uu iiga warramay sida ay isugu duuban yihiin.