Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Golaha ammaanka oo u codaynaya heshiiska Iran

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa laguwadaa in uu maanta u codeeyo qaraar ku saabsan heshiiskii dhawaan ay quwadaha adduunka la galeen Iran ee ku saabsanaa barnaamijkeeda Nuykliyeerka.

Congress-ka Maraykanka ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in uu dib u dhigo codeynta balse baaqaasi dhag jalaq loomasiin.

Ahmiyada codaynta golaha ammaanka iyo dooda Congress-ka maraykanka waxaan ka waraysanay DR. Sacad Sheesh Cismaan Nuur, isaga oo dalaka Maraykanka ku sugan ayuu khadka taleefanka ugu waramay Weriyaha BBC-da Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe