Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin: ammaanka magaalada Mombasa

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa la filayaa in ay jimacaha booqasho uga bilaabato Kenya.

Haddaba maraykanku kenya waxa uu ka taageeraa dhinaca ammaanka, oo waxa uu dhaqaale, tababar iyo qalaba siiyaa hay'adaha ammaanka ee kenya.

Hasayeeshe, laamaha ammaanka ee kenya ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay gaystaan xadgudbyo gaar ahaan marka ay fulinayaan hawlgalada ka dhanka ah argigixisada

Gobolka xeebta ee Kenya waxa la sheegayaa in ay jiraan dad badan oo ilaa hadda la la'yahay meeshii ay jaan iyo cidhib dhigeen, waxaana looga shakisanyahay in ay qabteen saraakiisha ammaanka.

Weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan ayaa warbixintan ka soo diyaariyey Magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.