Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dalxiiska xeebaha Kenya oo laga dayrinayo

Dalxiiska dalka Kenya oo ka mid ahaa waxyaabaha laf dhabarta u ah dhaqaalaha Kenya ayaa waxaa soo gaadhay dhibaato wayn, oo waxaa saameyn ku yeeshay digniinaha dhanka socdaalka ah ee ay soo saaraan wadammada reer Galbeedka oo uu Mareykanku ku jiro, taasi oo ammaanka la xiriirta.

Shantii bilood ee ugu horreysay sanadkan boqolkiiba 25 ayaa hoos u dhacay dadkii dalxiiska u iman jiray Kenya.

Wariyaha BBC-da Axmed Xaaji Xasan oo dhawaan shaqo u tagay magaalada Mombasa ee loo dalxiis tago ayaa warbixinta arrintaasi ku eegaya.