Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee galaangalka Maraykanka ee Africa

Dhaqanka Maraykanku waxa uu gaadhay caalamka, alaabada Maraykankana waxaa laga heli karaa tuulooyinka fogfog ee Afrika.

Laakiin qaybo ka mid ah adduunka dadka Maraykanka ah ee cad ayaan ahayn dadka ugu tirada badan ee lagu arko magaalooyinka.

Wax yar uun ka hor booqashada madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama Wariyaha BBC-da ee Africa Andrew Harding ayaa warbixintan ku eegaya bal in uu sii daciifayo galaangalkii uu Maraykanku ku lahaa Afrika.

Warbixintan ayuuna ka soo diray wadanka aadka u yar ee Afrika ku yaala ee Lesotho

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh iyo Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe ayaa soo jeedinaya