Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Magaalo Mareykanka ah oo loo bixin rabay Nairobi

Ayadaoo Barack Obama uu yahay madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan madow ah ee booqda Kenya isagaoo Madaxweyne ah, ayaa si aad ah looga warramay xiriirka uu la leeyahay dalka uu aabihii ka soo jeedo.

Laakin arrinta aysan dad badan ogsoonayn ayaa ah sida madaxweynihii ugu horreeyey Kenya Jomo Kenyatta, uu u noqday halyeey taariikheed oo ay ku deydaan bulshada madow ee Mareykanka.

1968dii, dadkii ku noolaa East Palo Alto - oo ka tirsan Silicon Valley, California, ayaa la isku dayey in magaceeda lagu beddelo Nairobi.

Inkastoo aan codayntii arrintaa loo qaaday lagu guulaysan, haddana Nairobi waxay noqotay astaan dhaqdhaqaaqi waagaas jiray ku xiiririnaysay Afrika.

Weriye, Dickens Olewe, ayaa waxa uu la kulmay hogaamiyihii dhaqdhaqaaqaasi, warbixintan ayuuna nooga diyaariyey. Maxamed Cabdiraxman ayaa soo jeedinaya.