Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo musaafurisay Itoobiyaan “xanuunsan”

Somaliland ayaa musaafurisay dad Itoobiyaan ah, oo ay sheegtay inay qabeen xanuunno uu Juudaanku ka mid yahay.

Taliyaha waaxda socdaalka Somaliland Korneyl Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in tiro 200 oo qof ka badan ay musaafuriyeen, kuwaasoo ay ku wareejiyeen mas'uuliyiinta Itoobiya ee jooga xudduudda wajaale.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid cige ayuu taliyaha arrimahaas uga warramay.