Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isku dhafka ciidammada Soomaaliya oo Kismaayo ka bilowday

Barnaamij ku saabsan isku dhafka ciidammada Soomaaliya ayaa ka billowday magaalada Kismaayo ee koofurta Somalia, kaasoo salka ku haya sidii milateriga waddanka dib loogu dhisi lahaa.

Barnaamijka ayaa waxaa lagu bilaabay tiro ka badan 3,000 oo askari oo ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaas darteed u tagay magaalada Kismaayo.

Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh ayaa arrimahaas ka waraystay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Daud Aweys.