Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku aaddan booqashada Obama ee Itoobiya

Iyadoo Madaxweyne Obama uu joogo Addis Ababa, lugtii labaad ee socdaalka uu ku marayo Afrikada Bari, ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho madaxda Itoobiya, iyo kuwa midowga Afrika.

Arrimo ay ka mid tahay wax aka qabashada xiisadda ka taagan South Sudan ayaa la filayaa inuu soo qaado inta uu halkaa joogo.

Haddaba maxaa la filayaa inay noqoto booqashada Obama ee Ethiopia, maxayse ku kala duwanaan karaan socdaalka uu hadda ku joogo Addis Ababa, iyo kii uu ku soo maray Nairobi.

Arrimahaas ayaa Dr. Ibrahim Farah Bursaliid oo arrimaha caalamka falanqeeya waxa uu uga warramay Faarax Lamaane.