Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baarlamaanka Galmudug oo dastuurkiisa qodobo ka bedelay

Baarlamaanka maamul goboleedka dhowaantan looga dhawaaqay gobollada dhexe ee Soomaaliya ee Galmudug, ayaa wax ka beddelay qodobbo ku jira dsatuurkooda.

Qodobbada wax laga beddelay waxaa ka mid ah kan xudduudaha oo ka caraysiiyey maamul goboleedka kale ee Puntland, keenayna in Puntland ay ku dhawaaqdo inay xiriirka u jartay xataa xukuumaadda federaalka.

Haddaba qodobbada la beddelay ayaa Faarax Lamaane uu wax ka weydiiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.