Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan booqashada Obama ee Itoobiya

Qaddar ay saacado naga xigaan ayuu Barack Obama noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee abid khudbad u jeediya midowga Afrika, oo ah urur matala 54ka dal ee qaaradda.

Khudbaddiisa ayuu kaga hadli doonaa xagga midnimada, gaar ahaanna ganacsi dheeraad ah, oo aan ahayn gargaar dheeraad ah, iyo tan laga yaabo inay ugu muhiimsan tahay oo ah iskaashi soke oo xagga amniga ah, ayadoo khatarta islaamiyiinta xagjirka ah ay ku sii baahayso saaxil.

15kii sano ee la soo dhaafay, midowga Afrika, wuxuu u xuubsiibtay hay'ad kaalin hormuudnimo ka qaadata hawlgallada amaanka, waxaana laga xusi karaa Soomaaliya, halkaasoo ay xoogaggoodu ay horumar ka samaynayaan dagaalka dhanka ka ah Al Shabab.

Weriyaha BBC ee arrimaha Afrika Alastair Leithead oo la socday socdaalka uu madaxweyne Obama ku marayo Afrika, ayaa warbixintan ka soo diray Addis Ababa. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa soo jeedinaya.