Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali beer ka tabcaday Minnesota

Soomaalida Mareyakanka ku nool ee dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey halkaa degay, ayaa intooda badan ka shaqaysta meherado aan shaqo ku lahayn wax soo saarka cunnada, waxaase dadkaas ka yara duwan Maxamed Caalin Gaabane.

Waxa uu beer aad u wayn ku leeyahay wadanka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota oo ah meel xiliyada qaarkood aad u qabow. Beerta dhaxdeeda waxaa kale oo uu ku dhaqdaa xayawaanaad ay ku jiraan digaag iyo ariga.

Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen oo dhowaan Gaabane ku booqday beertiisa, ayaa waydiiyay bal waxa ku kalifay in isagoo Mareykanka jooga uu beeralay noqdo.