Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaanno dhaliilay go’aanka doorashada 2016-ka

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaadacay go'aankii shalay xukuumadda iyo baarlamaanka ku sheegeen, in aysan suurtagal ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Xildhibaannada go'aanakan diiddan waxaa ka mid ah Cabdiraxman Xoosh Jibril, wasiirkii hore ee dastuurka kana mid ah asaasayaasha xisbiga NDC. Ciise Xaaji Cabdulle ayuu u warramay.