Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

USA oo Kenya lacag badan ku siisay ladagaalanka Al-Shabaab

Ciidanka milateriga ee Kenya ayaa dawladda Mareykanka ka helay dhaqaale lagula dagaallamayo ururka Al-Shabaab.

Lacagtaas oo caddadkeeda lagu sheegay 94 Milyan oo doollar waxaa loo adeegsan doonaa qalabaynta, tababarrada iyo taageeridda ciidanka Kenya ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

Heshiiskan ayaa waxa uu qayb ka ahaa heshiisyo ay isla gaareen saraakiil ka kala socotay labada dhinac intii lagu guda jiray booqashadii madaxweyne Obama uu ku yimid Kenya.

Haddaba lacagtan maxay ka badeli kartaa ammaanka gobolka? Su'aash iyo kuwa kalaba waxaanu hor dhignay, Cabdi Daahir Maxamed oo cilmiga Iskaashiga Caalamiga ah iyo Ammaanka ka bartay Jaamacadda Nairobi, kana faallooda arrimaha ammaanka. Marka hore Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo wareystay ayaa waxa uu waydiiyay qaabka la doonayo in lacagtaasi loo isticmaalo?