Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xanuun aanan la aqoon wuxuu yahay oo Mahadaay dad badan ku soo ritay

Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in in ka badan 30 qof la dhigay goobo caafimaad oo ku yaalla deegaankaasi.

Dadkan ayaa waxaa soo ritay xanuun aanan la garanayn waxa uu yahay, iyadoo lagu arkay shuban iyo matag iswata.

Lama garanayo cudurkan waxa uu yahay, iyadoo isbitalka weyn ee deegaankana uusan si wanaagsan u shaqeyn.

Haddaba sida uu ku bilowday iyo xaaladda dadka uu xanuunkan soo ritay ayaa waxaanu ka wareysannay Abuukar Sheekh Cabdi Cali, oo ka mid ah odayaasha deegaanka Mahadaay, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (Cagayare).