Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caqabadaha soo wajaha hooyooyinka naas-nuujiya misana shaqeeya

Iyadoo maanta ay ku eg tahay todobaadka loogu magac daray todobaadka naas-nuujinta, ayaa Golaha Caafimaadka Adduunka ee WHA waxa uu bartilmaameed ka dhigtay in boqolkii 50 la kordhiyo naas-nuujin barax tiran oo socota lixda bilood ee ugu horreysa dhallaanka marka la gaaro 2025-ka.

Sida ay dhakhaatiirta caafimaadka sheegeenna dhallaanka oo la naas-nuujiyo waxa ay gacan weyn ka gaysataa kobaca iyo korniinka carruurta jir iyo maskax ahaanba.

Haddaba hooyooyinka Soomaalida ee shaqeeya sideebay u wajahaan howsha shaqada iyo nuujinta carruurta.

Ruqiyo Cabdille Cabdullaahi, waa xubin ka tirsan baarlamanka hoose ee deegaanka Wajeer, waana hooyo haysata dhowr carruur ah, waxaanu ka wareysanay sida ay isugu dheeli tirto shaqadeeda iyo nuujinta dhallaankeeda iyo caqabadaha ay la kulantay, waxa ay khadka taleefanka ugu warrantay Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (Cagayare).