Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamad u hiilisay Soomaalida Koonfur Afrika

Maxkamadda dastuuriga ee dalka Koonfur Afrika ayaa dhawaan soo afjartay dacwad u dhaxeysay wasaaradda arrimaha gudaha iyo jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika ee SASA ee gobolka Eastern Cape.

Dacwaddaasi oo soo jiitamaysay muddo ku dhow shan sano ayaa salka ku haysay go'aan wasaaraddu ku doonaysay in ay ku xirto xarumaheeda sharciyada laga siiyo dadka qaxootiga ah ee gobolka Eastern Cape.

Go'aankaasi ayaa waxaa ka horjeestay jaaliyadda Soomaalida iyo hay'adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga.

Muxiyadiin Nuur Jiiley waa madaxa jaaliyadda Soomaalida gobolka Eastern Cape ee Koonfur Afrika ee SASA, waxa uuna qadka taleefoonka ee magaalada Port Elizabeth ugu waramay Xasan Cali Geelle.