Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo mamnuucaysa Gudniinka fircooniga

Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka ugu horeeya ee sida wayn loogaga dhaqmo gudniinka fircooniga ah inkasta oo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo hab dhaqankaas muddada fdheer soo jiray.

Boqolkiiba sagaashan iyo shan Soomaaliya gabdhaha da'doodu u dhaxayso afar ilaa kow iyo toban sano ayaa lagu sameeyaa gudniinkan sida ay sheegayso hay'adda carruurta ee Qaramada Midoobey.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa sharciyo lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa ka waraystay arrintan wasiirka arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadamaha ee Soomaaliya Sahro Maxamed Cali, wuxuuna marka hore weydiiyay siyaasadda ay doonayaan in ay ku joojiyaan gudniinka waxa ay tahay, waxa ayna ku jawaabtay.