Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyay go'aanka madaxwaynaha

Gudoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka Somaliland ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu madaxweyne Siilaanyo ugu gudbiyay maxkamadda sare ee dastuuriga ah, muranka soo jiitamayay ee ku aaddan xilliga doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiillada.

Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in maxkamadda dastuuriga ay xal ka gaari doonto murankaasi.

Labada gudoomiye ayaa u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo marka hore weydiiyay sida ay u arkaan go'aanka madaxweynuhu qaatay.

Waxaa ku hormaraya Cabdiraxmaan Cirro.