Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad daacuun ugu dhintay magaalada Wajeer

Waxaa soo baxaya in ay cudurka daacuunka dad ugu dhinteen gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya.

Ugu yaraan afar qof ayaa la sheegay in ay xanuunka daacuunka ugu dhinteen magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Bishan gudaheeda dad ayaa cudurkan daacuunka ugu dhintay deegaanno ka tirsan waqooyiga Kenya.

Maamulka caafimaadka ee magaalada Wajeer ayaa BBC-da u sheegay in 51 qof oo uu cudurka soo ritay lagu daweeyay goobaha caafimaadka.

Dr Cabdinuur Xaaji Maxamed oo ah xoghayaha joogtada ah ee waaxda caafimaadka deegaanka Wajeer, ayaa saameynta cudurka uga warramay weriyaha BBC Fardosa Maxamed Cilmi.