Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gaarisa oo lagu qabtay shir looga hadlayo xagjirnimada

Magaalada Gaarisa ayaa lagu qabtay shir looga hadlayo ka hortaga dhibaatooyinka xagjireynta dhalinyarada ee magaaladaasi.

Shirkaan oo loo qabtay dhalinyaro gaareysa 50 ayaa imaanaya kaddib weerarkii lagu qaaday jaamacada Gaarisa oo lagu dilay ku dhawaad 150 arday.

Ahmed Xaji Xasan ayaa shirkaas ka wareystay Macalin Salah oo ka mid ah dadkii soo qaban qaabiyay shirka.