Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tababaraha Costa Rica oo lala dagaalamay cayaartii Panama

Tababaraha Costa Rica, Paulo Wanchope ayaa lala dagaalamay iyadoo uu daawanayay tartan loogu soo baxayo cayaaraha Olympic-ada ee cayaartoyda da'doodu ka yar tahay 23 jirka, uu dalkiisu la cayaaraha kooxda Panama maalintii Talaadada.

Cayaartoyga weeraryahankii hore ee Derby County, West Ham, Manchester City iyo Malaga, oo 39 jir ah, ayaa u muuqday in uu isku dayay in uu aarguto kadib markii la riixay, sida ka muuqata video-ga.

Ma cadda in ninka isku dayay in uu laado oo feero Wanchope, in uu ka mid ahaa dadwaynaha iyo in uu ahaa shaqaalaha garoonka magaalada Panama. Tartanku wuxuu ku dhamaaday 0-0.

Is qabsiga labada nin wuxuu dhamaaday markii ilaalada amnigu ay soo dhexgaleen si ay u kala celiyaan labada nin.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Costa Rica, ayaan wali wax jawaab ah ka soo saarin.