Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo yari ka jirta isbitaalka Beleweyne

Isbitaalka weyn ee magaalada Baledweyne ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan daawo iyo qalab yari.

Isbitaalka ayaa ah kan ugu weyn gobolka, kaasi oo ay dad badan ka helaan adeegyo caafimaad. Sida uu sheegay maamulka isbitaalka, hay'addii gacanta ku hayn jirtay ayaa gobolka isaga baxday horraantii sannadkan.

Axmed Maxamed Khaliif, waa isku duwaha caafimaadka gobolka Hiiraan, waxa uuna maamulaa isbitaalka Beledweyne, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo la xiriiray ayaa waydiiyay waxa ay ka cabanayaan?