Qarax wayn ayaa ka dhacay dalka Shiinaha

Lahaanshaha sawirka AP

Qarax wayn ayaa ka dhacay magaalada Tianjin ee dalka Shiinaha, ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay boqolaal kalana way ku dhaawacmeen.

Magaaladaasi waxaa ku yaala dakad wayn waxaana ka agdhaw warshado badan waxay koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Beijing.

Waxaa lagu soo waramayaa in ay Isbitaaladii buux dhaafeen.

Muuqaal la soo galiyay baraha bulshada oo meel durugsan laga duubay ayaa muujinaya holac wayn iyo uuro cirka isku shareertay.

Warbaahinta dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in meesha uu qaraxu ka dhacay ay tahay baqaaro ay ku jiraan kiimikooyin halis ah.

Monica Andrews oo ah macalimad Canadiyaan ah oo wax ka dhigta magaalada Tianjin, ayaa BBC-da u sheegtay in ay jiiftay oo ay ku kacday dhawaqa qaraxa.