Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali laga soo musaafuriyay Addis Ababa oo Hargeysa la geeyay

Ku dhawaad lixdan qof oo ah Soomaali laga soo musaafuriyay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa lagu wareejiyay waaxda socdaalka Somaliland, waxaana dadkaasi hadda lagu hayaa magaalada Hargeysa.

Taliyaha guud ee waaxda socdaalka Somaliland Korneyl Maxamed Cali Yuusuf

ayaa BBC-da u sheegay in dadkaasi ay rabeen in ay Addis Ababa ka tahriibaan, ayna haatan dib ugu celinayaan deegaannadii ay ka yimaadeen.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa dadkaasi ku booqday xarunta lagu hayo oo qaarkood wareystay.