Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Talyaaniga oo codsaday in wax laga qabto xaalka Liibiya

Taliyaaniga ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay xal u hesho qalalaasaha dalka Liibiya, si looga gaashaanto masiibooyinka dadka muhaajiriinta ee ka talaabaya badweynta Mediterranean-ka.

Digniintan ayaa timid ayadoo ciidanka badda ee Taliyaaniga ay sheegeen in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen markab siday dad muhaajiriin ah oo isku dayayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean. In ka badan 300 ayaa la soo badbaadiyay.

Soomaali badan ayaa badda Mediterranean-ka isku biimeeya si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Cabdikamil Maxamed Faarax dhowr isbuuc ka hor ayuu ka tallaabay baddaasi, haatanna dalka Sweden ayuu ku suganyahay, balse walaalkiis ka yar ayaa waxaa ugu war dambaysay asagoo ku sugan dalka Liibiya oo isu diyaarinaya in uu badda soo galo. Raage Xasan ayuu u warramay.