Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Burcad badeed ku xiran Cuman oo codsanaya in Soomaaliya loo bedelo

Tiro dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Cumaan ayaa codsi u jeediyay dowaladda Soomaaliya oo ay doonayaan in ay ka caawiso sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo ku xukuman dhowr iyo labaatan sano oo xarig ah, ayaa BBC-da la soo xiriiray, waxayna sheegeen in dowladda Cumaan ay siisay fursad ah in muddada ka dhiman xabsigooda ay ku qaataan dalkooda, balse ilaa iyo haatan aysan jawaab ka helin dhanka dowladda Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Cumaan ayaa sheegtay in ay codsigaasi u gudbisay dowladda federaalka ah, oo meel wanaagsan uu marayo

Cabdikariin Saciid Maxamed oo ka mid ah dhallinyaradaas xiran ayuu Xasan Cali Geele weydiiyay Sababta ay BBC-da ula soo xiriireen.