Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku saabsan wadahadalka South Sudan

Maanta oo Isniin ah waxa ay ku beegan tahay wakhtigii kama dambeysta ahaa ee loo qabtay hogaamiyeyaasha isku haya siyaasadda dalka South Sudan in ay gaaraan heshiis nabadeed.

Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa si uu uga qayb galo wada-hadalada nabadda ee halkaasi ka soconaya, inkastoo khamiistii uu sheegay in uusan ka qayb galayn shirkaasi.

Waddamada caalamka gaar ahaanna Britain iyo Mareykanka ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah hogaamiyeyaashan haddii ay maanta saxiixi waayaan heshiis nabadeed.

Arrimaha waxan ka wareysanay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Afrika, Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayuu khadka taleefoonka ugu waramay asaga oo jooga dalka Norway.