Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nancy ayaa heshay abaal marinta Komla

Weriye u dhalatay Uganda oo mar noqotay ganacsade, weriye Radio iyo Telefishin iyo soo jeediye barnaamij telefishin hadda ah, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta BBC World News ee loogu magacdaray Komla Dumor.

Nancy Kacungira, oo wararka ka tabisa teleshintka KTN ee Kenya ayaa laga soo xushay 200 oo codsi.

Waxay muddo sadex bilood ah joogi doontaa BBC London, waxayna BBC TV uga soo warami doontaa Africa, iyadoo sidoo kale diyaarin doonta warbixinno raadiye iyo qoraalka internet-ka ah.

Abaalmarinta ayaa loo aasaasay si loogu sharfo Komla Dumor, oo soo jeediye ka ahaa BBC World News oo si lama filaan ah u dhintay isagoo 41 jir ah.