Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka ka barakacay dagaallada hadda ka socda Soomaaliya

Xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya ayaa sii murgaysa xili maanta dunida laga xusayo maalinta bini'aadanimada.

Kumannaan qoys oo cusub ayaa ku barakacay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolo ay kamid yihiin Hiiraan, Gedo, Bakool iyo Bay.

Kumannaan kale oo qoxooti ku ahaa dalka Yeman ayaa dalka dib ugu soo laabtay kuwaasoo markale ka soo cararay dagaalada ku qabsaday wadankii ay hore ugu qaxeen.

Meelaha ay tageen qoysaska cusub ee gudaha ku barakacay waxa kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , waxana durba la soo werinayaa duruufo liita oo qoysaskaasi haysta.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa warbixintan soo socota ku eegaya xaaladda qoysaskii ugu danbeeyay ee ku barakacay gobolka Hiiraan.